Muqdisho, 14 Nofeembar 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Hindiya ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay wadahadalladii ugu horreeyay ee wada-tashiga xafiisyada arrimaha dibadda ee labada dal, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dhinac.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Hindiya oo ay hoggaaminayso Marwo Sripriya Ranganathan, Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya u qaabilsan Arrimaha Baasaboorrada, Fiisooyinka iyo Muwaadiniinta Hindiya ee dibadda ku nool.
Labada dhinac ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka laba geesoodka ah, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.





From the comments