Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug oo Daah-furay Tababar Lagu Tayeynayo Shaqada Golaha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug, Xuseen Maxamed Nuur (Dhagawayne), ayaa furay tababar loogu talagalay sare u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee xildhibaannada iyo shaqaalaha Golaha.

Tababarkan oo uu bixinayo khabiir dhanka sharciga ah, ayaa ujeeddadiisu tahay in ka qaybgalayaasha lagu xoojiyo fahamka shuruucda, habraacyada sharci-dejinta iyo xirfadaha lagama maarmaanka u ah gudashada waajibaadkooda shaqo.

Inta uu socdo tababarka ayaa la filayaa in diiradda la saaro sidii loo horumarin lahaa awoodda shaqo ee xildhibaannada iyo hawlwadeennada, loona xoojin lahaa nidaamka iyo tayada howlaha Golaha Wakiillada.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dhisayo hay’ad sharci-dejin oo leh aqoon iyo karti shaqo, isla markaana si hufan u gudata masuuliyadaha dastuuriga ah ee saaran, waxaana horumarinta aqoonta iyo xirfadaha xubnaha Golaha ay kaalin muhiim ah ka qaadan kartaa tayeynta shaqada sharci-dejinta iyo kor u qaadista waxqabadka hay’adaha dowladnimo ee Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments