Taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa hadal xasaasi ah oo ku saabsan taariikhda iyo aqoonsiga shacabka Tigreega jeediyay, kaas oo uu ku soo hadal qaaday magaalooyin iyo goobo taariikhi ah oo ku yaalla dalal iyo deegaanno kala duwan oo ka tirsan Geeska Afrika.
Berhanu Jula ayaa sheegay in shacabka Tigreegu ay door weyn ku leeyihiin taariikhda Itoobiya, isaga oo tusaale u soo qaatay magaalada Saylac ee gobolka Awdal, Cadwa oo ku taalla gobolka Tigreega, deegaanka Dogali ee Eritrea iyo goobta taariikhiga ah ee Nejashi.
Sida uu baahiyay telefishinka VossTV, taliyaha ayaa hadalkiisa ku yiri: “Saylac waxa leh Tigree, Cadwa waxa leh Tigree; Nejashi waa Tigree, Dogali waa Tigree,Tigreega cid ka Itoobiyaansan ma jirto, waxa diiddan waa TPLF.”





From the comments