Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta gacanta ku dhigay maandooriye la doonayay in si qarsoodi ah lagu geliyo Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, kaddib howlgal lagu fashiliyey shabakad lagu tuhunsan yahay inay ka ganacsanaysay daroogada.
Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay lix haween ah oo lagu eedeeyay inay qeyb ka ahaayeen shabakad isku xiran oo maandooriyaha ku dhex qarinaysay raashinka loo geeyo maxaabiista, xilliyada ay ehelladu booqashada ku yimaadaan xabsiga.
Sida uu sheegay Taliska Ciidanka Asluubta, haweenkan ayaa kaniiniyo maandooriye ah ku dhex qariyay raashinka loogu talagalay maxaabiista, hase yeeshee waxaa fashiliyey dabagal muddo socday oo lagu hayay shabakaddan labadii bilood ee lasoo dhaafay.
Waaxda Dabagalka Dembiyada ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo kaashanaysay Taliyaha Xabsiga Dhexe iyo saraakiisha maamulka xabsiga, ayaa howlgalka ku ogaaday shabakad la sheegay inay ka kooban tahay maxaabiis, ehelladooda iyo dad kale oo si been abuur ah isugu sheegaya qaraabada maxaabiista, si ay fursad ugu helaan gudbinta maandooriyaha.
Taliska Ciidanka Asluubta ayaa sheegay in eedeysanayaasha iyo caddeymaha la xiriira kiiskan lagu wareejiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo, loona horgeeyo hay’adaha garsoorka.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Asluubta ayaa shaaciyay in weli ay socdaan baaritaanno iyo dabagal lagu hayo shabakado kale oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin ka ganacsiga maandooriyaha iyo gelintiisa qarsoodiga ah ee xabsiyada dalka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu adkeynayo ammaanka xabsiyada, laguna xakameynayo falalka sharci-darrada ah ee khatarta ku ah amniga iyo badqabka maxaabiista.
From the comments