Galmudug oo dhagax-dhigtay xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka

Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda iyo tayaynta maamulka…

Galmudug oo dhagax-dhigtay xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka

Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa dhagax-dhigay dhismaha xarunta Guddiga Shaqaalaha Rayidka Galmudug, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo hay’adaha dowladda iyo tayaynta maamulka shaqaalaha rayidka.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ayuu Hoggaamiye Liibaan ku sheegay in horumarinta iyo tayaynta shaqaalaha rayidka ay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee maamulkiisa.

Waxa uu xusay in hoggaankiisu ka go’an tahay in shaqaaleysiinta iyo dallacsiinta shaqaalaha dowladda lagu saleeyo caddaalad, aqoon iyo karti, isla markaana laga gudbo eexda, nin-jecleysiga iyo xulashada qabaliga ah.

Hoggaamiyaha Galmudug ayaa sidoo kale u mahadceliyey deeq-bixiyeyaasha ka qayb qaadanaya hirgelinta mashruucan, isaga oo tilmaamay in xaruntan cusub ay door muhiim ah ka qaadan doonto xoojinta hay’adaha dowladda, hufnaanta maamulka iyo tayaynta shaqaalaha rayidka.

Dhismaha xaruntan ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo dadaallada lagu dhisayo hannaan maamul oo hufan, isla markaana kor loogu qaadayo tayada adeegyada dowladda ee Galmudug.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments