Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ferhat Alkan, ayaa kulan la yeeshay Danjiraha Dowladda Masar ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Keshtah, kaas oo ay kaga wada hadleen xiriirka diblomaasiyadeed ee dalalkooda la leeyihiin Soomaaliya.
Kulanka ayaa labada danjire waxay isku weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya, iyo sidoo kale Masar iyo Soomaaliya.
Sidoo kale, waxay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo isbeddellada siyaasadeed ee ka socda, iyagoo diiradda saaray arrimaha khuseeya iskaashiga iyo xiriirka dalalka gobolka.





From the comments