Xeer-ilaalinta gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa dacwado culus ku soo oogtay nin lagu eedeeyay inuu si arxan darro ah u weeraray darawal Soomaali-Mareykan ah oo ka shaqeynayay shirkadda gaadiidka ee Uber, kaas oo dhaawac culus uu soo gaaray, isla markaana xaaladdiisa caafimaad ay gaartay heer uu kooma galay.
Ninkan ayaa lagu soo oogay eedeymo ay ka mid yihiin isku day dil oo heerka labaad ah iyo inuu si xoog ah ula wareegay gaari, taas oo loo yaqaan First-Degree Carjacking, waxaana sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaasha, eedeymahan lala xariiriyay weerar dhacay 14-kii November, kaas oo lagu bartilmaameedsaday darawalka Soomaaliga ah.
Weerarka ayaa sababay dhaawacyo aad u daran oo soo gaaray darawalka, kaas oo tan iyo markii falkaasi dhacay la sheegay inuu ku jiro xaalad kooma ah, taasoo walaac xooggan ku abuurtay qoyskiisa iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.
Qoyska dhibbanaha ayaa aaminsan in weerarka lagu qaaday darawalka uu salka ku hayay nacayb iyo takoorka ka dhanka ah Soomaalida, iyagoo falka ku tilmaamay mid laga yaabo inuu ahaa weerar naceyb ku saleysan.
Xeer-ilaaliyeyaasha dacwadda gacanta ku haya ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin caddeymo ku filan oo lagu xaqiijin karo in weerarka uu ku saleysnaa naceyb ama bartilmaameed gaar ah oo la xiriira asalka ama aqoonsiga dhibbanaha.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan badbaadada darawallada ka shaqeeya adeegyada gaadiidka ee Mareykanka, gaar ahaan dadka ka soo jeeda bulshooyinka laga tirada badan yahay, kuwaas oo mararka qaar la kulma weerarro iyo falal amni-darro.
Kiiska ayaa hadda maraya marxalad dacwadeed, waxaana la sugayaa baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo duruufaha ku xeeran weerarka, halka qoyska darawalka uu wajahayo xaalad adag oo la xiriirta caafimaadka dhibbanaha.
From the comments