Dagaal Afeed oo Baraha Bulshada ku Dhex Maray Masuuliyiin Soomaali ah iyo Kuwo Imaaraati ah

Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si adag uga hadlay faragelinta uu ku eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta ee arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa dhalisay is-weydaarsi hadallo kulul iyo eedeymo siyaasadeed oo dhex maray masuuliyiin Soomaaliyeed iyo saraakiil hore iyo siyaasiyiin u dhashay Imaaraadka.

Dagaal Afeed oo Baraha Bulshada ku Dhex Maray Masuuliyiin Soomaali ah iyo Kuwo Imaaraati ah

Khudbaddii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u jeediyay shacabka Soomaaliyeed, isaga oo si adag uga hadlay faragelinta uu ku eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta ee arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa dhalisay is-weydaarsi hadallo kulul iyo eedeymo siyaasadeed oo dhex maray masuuliyiin Soomaaliyeed iyo saraakiil hore iyo siyaasiyiin u dhashay Imaaraadka.

Khilaafka diblomaasiyadeed ee labada dal ayaa markii hore ka soo muuqday khudbadda madaxweynaha, balse wuxuu si degdeg ah ugu gudbay baraha bulshada, halkaas oo masuuliyiin labada dhinac ah ay isku weydaarsadeen jawaabo adag oo taabanaya madax-bannaanida Soomaaliya, xiriirka labada dowladood, taageerada amni iyo siyaasadda gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbaddiisa ku eedeeyay Imaaraadka in uu muddooyinkii dambe faragelin ku hayay arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana uu taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni siinayay dhinacyo uu sheegay inay wiiqayaan awoodda dowladda federaalka iyo midnimada hay’adaha qaranka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale su’aal geliyay heshiisyada la xiriira dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, isaga oo ku dooday in heshiisyada saameynaya hantida qaranka, amniga iyo madaxbannaanida dalka ay tahay in loo maro dowladda federaalka. Wuxuu intaas ku daray eedeymo la xiriira dhismaha ciidamo iyo xarumo milatari oo aanu maamulkeedu hoos imaan taliska guud ee ciidamada qaranka.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan colaad u qabin shacabka Imaaraadka, balse cabashadu ay ku wajahan tahay siyaasadaha dowladda Abu Dhabi. Waxa uu sidoo kale caddeeyay in Soomaaliya diyaar u tahay xiriir ku dhisan is-ixtiraam, sinnaan iyo aqoonsiga midnimada dhuleed ee dalka.

Saacado kadib khudbadda madaxweynaha, Anwar Gargash oo ah la-taliyaha diblomaasiyadeed ee Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X kaga jawaabay hadallada Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gargash ayaa khudbadda madaxweynaha ku tilmaamay weerar ka dhan ah Imaaraadka, isaga oo sheegay in mowqifka iyo siyaasadaha madaxweynaha Soomaaliya ay isbeddelayaan, isla markaana wuxuu su’aal geliyay in xisaabtiisa gaarka ah ay ka horreyso danaha qaranka.

Gargash ayaa sidoo kale xusay in Imaaraadku garab taagnaa Soomaaliya iyo shacabkeeda xilliyadii ugu adkaa, isaga oo ka digay in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha Soomaaliya ay dalka u jiidaan loollan iyo muranno heer gobol ah oo aanu shacabka Soomaaliyeed wax faa’iido ah ka helayn.

Wuxuu intaas ku daray in xariirka Imaaraadka iyo shacabka Soomaaliyeed uu ka weyn yahay khilaafaadka siyaasadeed ee ku-meelgaarka ah iyo dano shaqsiyeed, ayadoo uu hadalkiisu dhaliyay jawaabo kulul oo uga yimid dhinaca dowladda Soomaaliya, waxaana ugu horreeyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal af-Carabi ah oo uu ku baahiyay bartiisa X si toos ah ula hadlay Anwar Gargash, isaga oo su’aal ka keenay awoodda uu u leeyahay inuu go’aamiyo dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha Soomaaliya.

Fiqi ayaa weydiiyay cidda Gargash siisay xaqa uu ku faragelinayo arrimaha dastuuriga ah iyo siyaasadda Soomaaliya, isaga oo xusay in doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada Soomaaliya ay leeyihiin jadwal u gaar ah, isla markaana aan masiirka siyaasadeed ee dalka lagu go’aamin karin Abu Dhabi.

Wasiirka ayaa sidoo kale Gargash weydiiyay muddada uu isagu xilka hayn doono, isaga oo u sheegay in arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya aysan ahayn kuwo ay tahay in masuuliyiin shisheeye ay go’aan ka gaaraan.

Dhinaca kale, Fiqi wuxuu qoraal kale oo jawaab u ahaa Gargash ku eedeeyay siyaasadda Imaaraadka inay huriso colaadaha, iibsato daacadnimada dhinacyada qaarkood, isla markaana wiiqdo madaxbannaanida dalalka kale.

Wuxuu ku adkeystay in hantida Imaaraadku aysan iibsan karin rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aan lacag lagu burburin karin midnimada dalka.

Waxa uu ugu baaqay Abu Dhabi inay ka waantoobaan ka faa’iidaysiga musiibooyinka shucuubta iyo in barwaaqadooda lagu dhiso burburka dalal kale.

Dhanka kale, Abdulkhaleq Cabdulla oo ah falanqeeye iyo aqoonyahan siyaasadeed oo u dhashay Imaaraadka, ayaa isaguna qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku difaacay kaalintii Imaaraadku ku lahaa arrimaha Soomaaliya.

Cabdulla ayaa soo bandhigay lix qodob oo uu ku sheegay waxqabadka Imaaraadka ee Soomaaliya, kuwaas oo ay ka mid yihiin tababarka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ka qaybqaadashada dhismaha awoodda milatari, bixinta mushaaraadka ciidamada, taageerada dowladda federaalka, iyo ka qaybqaadashada xoojinta amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in Imaaraadku xitaa bixiyay kirada guriga uu deggenaa qoyska madaxweynaha, isaga oo sheegay in dalkiisu aanu doonayn abaalmarin ama mahadcelin ku saabsan kaalintaas.

Dhanka Soomaaliya, Wasiir Howlaha Guuud  Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa isaguna qoraal uu ku baahiyay bartiisa X ku dhaliilay siyaasadda Imaaraadka, isaga oo sheegay in lacagta dalkaasi ay u adeegsanayaan hurinta kala-qaybsanaanta iyo wiiqidda hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay Imaaraadka inay taageeradooda dhaqaale u adeegsadaan kala-qaybinta siyaasadda Soomaaliya, isla markaana ay albaabada u furayaan faragelin shisheeye oo ay ku jirto tan Israa’iil, taas oo uu ku tilmaamay mid halis ku ah madaxbannaanida iyo midnimada qaranka.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ahayn dal lacag lagu iibsan karo, isla markaana aysan jirin hanti awood u leh inay jebiso rabitaanka shacabka iyo midnimada dalka, asagoo intaas ku daray in lacag kasta oo lagu bixiyo kala-qaybinta Soomaaliya ay ugu dambayn khasaarayso.

Sidoo kale, Wasiir Dowlaha arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Balcad  ayaa qoraal af-Ingiriisi ah oo uu soo dhigay bartiisa X kaga hadlay heshiisyada istiraatiijiga ah ee dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.

Cali Balcad ayaa sheegay in danaha qaranka Soomaaliya aan lagu horumarin karin kala-qaybinta dalka ama heshiisyo lala galo maamullada heer gobol iyadoo laga tallaabayo awoodda dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay in heshiisyada dekedaha, iskaashiga amniga iyo taageerada siyaasadeed ee aan loo marin dowladda federaalka ay wiiqayaan midnimada qaranka, isla markaana ay abuuri karaan hay’ado iyo awooddo is barbar socda.

Doodda baraha bulshada ayaa sidoo kale yeelatay wejiyo kale, iyadoo qaar ka mid ah dadka u muuqda inay taageersan yihiin siyaasadda Imaaraadka ay weerarro shaqsiyeed u jeediyeen masuuliyiin Soomaaliyeed, gaar ahaan Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Waxaa sidoo kale la arkay qoraallo ay ku jiraan hadallo adag oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, kuwaas oo doodda ka weecinaya khilaafka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed una gudbinaya weerarro shakhsi ah.

Dhanka kale, qoraal uu baahiyay Maxamed Taqi ayaa ku dooday in samafalka iyo taageerada loo fidiyay Soomaaliya aan loo beddelin eedeyn iyo cadaawad siyaasadeed, isaga oo khilaafka hadda taagan ku tilmaamay mid ka gudbaya kala aragti duwanaansho siyaasadeed.

Is-weydaarsiga hadalladan ayaa imanaya xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu muddooyinkii dambe marayay marxalad adag, gaar ahaan kadib markii dowladda federaalka ay horraantii sannadkan ku dhawaaqday inay burisay heshiisyadii ay la lahayd Imaaraadka ee dhinacyada difaaca, amniga iyo dekedaha.

Dowladda Soomaaliya waxay ku adkeysanaysaa in xiriir kasta oo saameynaya madaxbannaanida iyo amniga dalka loo maro hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka, halka dhinaca Imaaraadku uu difaacayo kaalintii uu ku lahaa Soomaaliya iyo xiriirka uu la leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Khilaafkan ayaa hadda ka gudbay heerkii wada-hadallada diblomaasiyadeed, wuxuuna si muuqata uga dhex muuqday qoraallada iyo jawaabaha masuuliyiinta labada dhinac ee baraha bulshada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments