Muqdisho – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay 72 saacadood u qabatay diblomaasiyiinta iyo ergada siyaasadeed ee Imaaraadka Carabta ku sugan Soomaaliya inay dalka isaga baxaan.
Tallaabadan ayaa la sheegay inay ugu horreyn khusayso Danjiraha Imaaraadka Carabta u jooga Soomaaliya, Axmed Jumaa Maxamed, iyo xubnaha kale ee diblomaasiyadeed ee dalkaas ku matala Muqdisho.
Go’aankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu cirka isku sii shareerayo khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii Dowladda Federaalka ay Imaaraadka ku eedeysay faragelin ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.





From the comments