Oslo, Norway, 19 Nofeembar 2026: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay dhiggiisa Aljeeriya, Axmed Caddaaf (Ahmed Attaf).
Kulanka oo ka dhacay xilli ay socdeen shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Waqooyiga Yurub iyo Afrika ayaa labada wasiir kaga wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.
Sidoo kale, wasiirradu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya iyo Aljeeriya.





From the comments