Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ay galabta magaalada ka dhaceen madaafiic waa weyn oo daryankooda laga maqlay magaalada oo dhan.
Inta la xaqiijiyay madaafiicda magaalada ku dhacday ayaa la sheegay inay gaarayaan afar xabo sida dad ku sugan magaalada ay u sheegeen Goobjoog FM.
Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku sugan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya, wararka ayaa intaa ku daraya in la maqlay rasaas ay furayaan ciidamada ku sugan gudaha magaalada.



From the comments