Maamulka Somaliland ayaa sheegay in meesha ay ka saari doonaan wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulkaasi.
Arrintan ayaa maamulka Somaliland u cuskaday markii uu sheegay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in si buuxda ay ula wareegayso maamulida hawada guud ee dalka.Wasiirka duulista hawada maamulka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in hadii arrinta dowladda federaalka uu taabo galo ay hakad galin doonaan shirarka dhax maraya labada dhinac.




From the comments