Goobjoog

Musharrax u Taagan Hoggaanka Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Qaatay Shahaadada Musharraxnimada

Musharraxiinta u tartamaya hoggaanka maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa maanta si rasmi ah u qaatay shahaadada musharraxnimada, taas oo u oggolaanaysa inuu ka qayb galo geeddi-socodka doorashada hoggaanka maamulka

Musharraxa ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu uga mahadcelinayo Guddiga Doorashooyinka iyo dhammaan masuuliyiinta ka qayb qaatay fududeynta hannaanka diiwaangelinta iyo xaqiijinta musharraxnimadiisa.

Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo masuuliyiinta kale ee ka shaqeeyay geeddi-socodka.

Musharraxa ayaa sidoo kale baaq u diray xildhibaannada Galmudug, isaga oo ka codsaday inay codkooda iyo kalsoonidooda ku taageeraan doorashada, si uu ula shaqeeyo dhinacyada kala duwan ee maamulka, ugana qayb qaato horumarka iyo mustaqbalka Galmudug.

Qaadashada shahaadada musharraxnimada ayaa ah tallaabo ka mid ah geeddi-socodka doorashada hoggaanka Galmudug, iyadoo musharraxiintu ay dadaal ugu jiraan sidii ay taageero uga heli lahaayeen xildhibaannada maamulka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments