Madasha Mucaaradka oo mar kale walaac ka muujisay ka qeyb galka Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madasha Mucaaradka ee Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa weli saluugsan gogsaha uu fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh, oo la qorsheeyay inuu qabsoomo 15-ka June 2025.
Madashu waxay ku sheegtay in inkasta oo ay soo dhaweysay dadaalka Madaxweynaha, haddana aysan oggolaan karin in gogoshaasi noqoto mid aan loo dhamayn.
Waxay Madashu ku baaqday in la helo madal siyaasadeed oo dhab ah, oo ay si siman uga qaybgalaan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, taas oo horseedi karta xal waara oo lagu wajaho xaaladda cakiran ee dalka.
Sidoo kale, Madashu waxay muujisay in kulammada uu Madaxweynaha qabanayo 15-ka iyo 22-ka June ay yihiin kuwa aan u muuqan mid daacad laga yahay.
Madashu waxay mar kale ku adkeysatay in ay u taagan tahay danaha shacabka Soomaaliyeed, ayna diyaar u tahay wada-xaajood dhab ah oo lagu gaari karo is-afgarad siyaasadeed oo waxtar leh.