Wasiirka ammaanka qaranka oo maanta xilkaas kala wareegay wasiirka gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya oo si KMG ah u hayay wasaaradaasi ayaa ballan qaaday in aysan dhici doonin si fudud in loo sii daayo eedeysanayaasha ku cad dambiyada loo haysto.
Wasiirka amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg oo hadal ka jeediyay munaasabadii xilka uu kula wareegayay ayaa sheegay in wax badan uu ka qaban doono ammaanka magaaladan sida uu warka u dhigay.
Intaa waxa uu ku daray warkiisa Khaliif Axme Ereg in sharciga lala tiigsan doono shaqsi kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha dambiga lagu soo oogay.



From the comments