
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Raxmaan Ducaale Bayle maanta ka ambabaxay groonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho isagoo ku wajahan Magalada Madrid ee caasimada dalka Spain.
Wasiirka ayaa inta uusan ka duulin Muqdisho waxa uu la hadlay warbaahinta isaga oo sheegay in casuumaad gaar ah uu ka helay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Spain.
Wasiirka oo aan ka harin hadalkiisa ayaa geesta kale sheegay in dowladda Spain uu si gaar ah ugala hadli doono sidii ay dowladda Soomaaliya uga gacan siin lahayd sugidda amaanka dalkan Soomaaliya.



From the comments