
Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa hambalyo u diray Goobjoog FM oo maanta u dabaal dagaysa sanad guuradeedii labaad.
Nicholas Kay ayaa bogaadiyay kaalinta aan daalka lahayn ee Goobjoog FM ka geysatay horumarinta adeega bulshada soomaaliyeed mudadii labada sano ee ay jirtay. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray maamulka, shaqaalaha iyo dhageystayaasha ku taxan Goobjoog FM.
“Waxa aan aad ula dhacay qaabka ay u wajahaan su’aalaha adage e ay weydiiyaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha, taas oo ka dhigan in ay soo gudbiyaan wareysiyo ay la yeeshaan masuuliyiin ku sugan gudaha iyo dibada dalka.” Ayuu yiri Nicholas Kay



From the comments