
Taliska AMISOM ayaa maanta sheegay in ay ku guulaysteen ka hortagista dilal magaalada Muqdisho ay ka fulin lahaayeen rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Kornayl Cali Aadan Xumud ayaa Maanta oo Arbaca ah Saxaafada u sheegay in ciidamada nabad sugidda iyo kuwa AMISOM ay xaqijiyeen sida uu yiri ammaanka magaalada.
Mar dagaalada ka aloosan gobolka Hiiraan uu ka hadlayay Afhayeenka AMISOM waxa uu sheegay in diyaar ay u yihiin ka qayb galka dadaal kasta oo lagu xallinayo maleeshiyada ku wada sugan deegaanka Deefow.



From the comments