
Xaaladda magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose ayaa maanta degan kadib markii xalay saqdii dhexe ay gudaha u galeen degmadaasi rag ka tirsan xarakada Al-Shabaab.
Ciidamada ka tirsan xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar xoogan ku ekeeyeen Fariisin ay Ciidamada Milatariga ku lahaayeen duleedka Jowhar.
Weerarkan oo lagu galay xarumaha maamulka degmada ee magaalada Jowhar ayaa warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan khasaarihii ka dhashay, iyadoo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay maanta bilaabeen howl-gal lagu sameynayo xaafadaha qaar ee magaalada Jowhar.



From the comments