Wasiiradii hore arimaha dibadda ahna Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa beenisay warbixin horu dhac ah oo ay soo saareen kooxda lasocodka cunaqabateynta hubka ee UN Monitoring Group, taasoo sheegeysay in madaxweyne Xasan ,Fowsiyo Yuusuf iyo shirkad mareykan ah ay hanta dadweyne lunsadeen.
Xildhibaan Fowsiyo waxa ay sheegtay in eedeymaha loo jeediyay eysan ku qotomin xaqiiqda, islamarkaana ay yihiin warar fadhi ku dirirada laga soo uruursaday, iyadoo xustay inay tahay markii 2aad ee iyada laga been abuurto taasoo ay horkacayaan koox ay sheegtay inay ku suganyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
“Mar weliba waxa ay doonayan inay sharafta uga dhacaan Madaxda dowladda Soomaaliya dadka ama shaqsiyaadka ugu dhaq dhaqaaqa badan waxa ay ka hadleen guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe Yusur Abraar oo iyadu mudo 4 maalmood ah xafiiskeeda joogtay, hase ahaatee kaddib warbixin been abuur ah oo aan cadeymo laheyn gudbisay” ayey tiri Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan



From the comments