Kulan looga hadlayay abaaraha Gedo oo lagu qabtay Garbahaaray
Sheeko:War
Kulan looga hadlayay sida abaaraha ay u saameeyeen dadka ku nool degmooyinka Gobolka Gedo ayaa ka dhacay Magaalada Garbahaaray ee Gobolkaasi.
Waxaa ka qayb galay kulanka Odayaasha Dhaqanka Magaalada Garbaharay. Maxamuud Faarax Cali Base oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Garbaharay ayaa ka hadlay heerka abaaraha ee Gobolkaasi.
Deegaano hoos yimaada gobolka Gedo ayaa waxaa saameyn xun ku reebay biyo la’aan raad ku reebay dadka iyo duunyada ku nool gobolka.