10 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Afgooye
Toban Qof ayaa ku ku dhimatay dhowr kalana waa ay ku dhawacmeen iska hor imaad Maanta kooxo isbaaro dhiganayay ku dhaxmaray tuulooyin hoos taga Degmada Afgooye ee Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan ayaa yimid kadib muran dhaxmaray maleeshiyada isbaarada dhiganayay , kaas oo la xiriira qaadashada lacagaha isbaarada.
Dagaalka ayaa socday muddo kooban , wararkuna waxey sheegayaan in markii dambe uu si iskiisa ah u qaboobay.
Goobta dagaalkan uu ka dhacay ayaa markii hore waxa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada gaar ahaan kuwa Militiriga.
Wariyaha Goobjoog FM Maxamed Cabdi Xasan oo ku sugan Afgooye ayaa soo sheegaya in xaalada hada ay tahay mid degan.
Dagaalkan ayaa ku soo aaday xilli Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan mudanayaasha Barlamaanka soomaaliya uu sheegay in ammaanka Degmada Afgooye Iyo degaanada hoos yimaada uu faraha ka baxay, ka dib markii ay ku soo kordheen dilal iyo weeraro joogtada ah.