U bood dhigaalka

Cali Seeko: Waxaa naga go’an xaqiijinta ammaanka gobolka Banaadir

Sheeko:War
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko
Afhayeenka Gobolka Banaadir, Cali Seeko

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’antahay xaqiijinta ammaanka Degmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka Banaadir si dadku ay ugu noolaadaan xaalad nabad galyo.

Afhahyeenka Maamulka Gobolka Banaadir   Cali Seeko ayaa hadalkan ka jeediyay degmada Xamar jajab halkaasi oo Hay’ad maxalli ah ay ku qaybinaysay Sakaatul Fidri Qoysas danyar ah oo ku Nool Degmadaasi.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir in nabada ka jirta Magaalada ay tuse u tahay sida uu warka u dhigay sida Nabadgaliyada ah ee qoysaaskaasi lagu gaarsiiyay deeqdan.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa maalin ka hor sheegay in ammaanka magaalada uu soo hagaaiyo, isla markaana ay sii xaqiijin doonaan hadii lahoos keeno hay’adaha ammaanka dowladda federaalk Soomaaliya.

Jeneraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa cod dheer ku sheegay in aan la fulin ballantii uu qaaday madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud, taasoo qeexaysay in laamaha ammaanka la hoos keenayo maamulka gobolka Banaadir.