Axmed Laashin oo mar ka tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam ayaa Maanta lagu toogtay Degmada Yaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa Axmed Laashin waxa ay ku dileen agaagaarka Ceel Tuba wayne, xilli uu ka soo baxay Masjidkii uu ku soo tukaday ee degmadaasi.
Goobjoogayaal ku sugan halka uu dilku ka dhacay ayaa ku waramay in weerarka kadib kooxda ay isaga baxsadeen goobta.



From the comments