Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud si ay uga qayb qaataan Nabadaynta maleeshiyo beeleed dhawaan ku dagaalamay degmadaasi.
Xildhibaanadan waxaa kulankooda ku wehliya siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka qayb qaadanaya dejinta xiisadaha ka jira Degmada Caabudwaaq.
Maamulka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud oo wafdigan ka hadlay waxa uu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo dhameynta wixii ka dhacay Degmadaasi.



From the comments