Muqdisho iyo guud ahaan dalka oo laga xusay maalinta koowaad ee Ciidul fidriga
Maanta oo ah maalintii koowaad ee ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa farxadda maalinta wey ee ciida, waxaana muuqata in farxadda iyo damaashaadka ciidda an loo…
Published July 28, 2014
Akhris 2 daqiiqo ah
Dad weyne ka soo baxaya salaadda Ciida, Masjidka Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho
Maanta oo ah maalintii koowaad ee ciidul fidriga ayaa waxaa magaalada Muqdisho si weyn looga dareemayaa farxadda maalinta wey ee ciida, waxaana muuqata in farxadda iyo damaashaadka ciidda an loo kala harin dhallinyaro, caruur iyo ciroole.
Waddooyinka Muqdisho waxa soo camiray caruur fara badan oo loo soo labisay, islamarkaana heysta qalabka caruurtu ay ku ciyaaraan, kuwaas oo ay daadihinayaan waalidiintooda oo u qaraabo salaan tegaya xaafado kale.
Gaadiidka dadweynaha, Takaasida iyo Mootooyinka loo yaqaano Bajaajka ayaa aad u shaqeynaya maanta, kuwaas oo dadweynaha kala daabulaya, maadaama ay dadku is booqdaan maalmaha ciidda.
From the comments