Madaxweynaha maamulka gobolkeedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo manta gellinkii dambe shir jaraaid ku qabtay xarunta maamukaasi ee garowe ayaa sheegay ineey gebi ahaanba xiriirka u jareen dowladda federaalka soomaaliya kadib heshiiskii shalay magaalada Muqdisho lugu heshiiyey in maamul mideysan loo dhisao gobollada dhexe.
Cabdiweli waxaa uu sheegay inay ka soo horjeedan habka ay dowladda u martay dhismaha maamulka gobollada dhaxe oo la sheegay gobolka Mudug iyo Galgaduud inay ka mid noqon doonan.
Waxaa kaloo uu sheegay in Puntland ay ka xuntahay ka qeyb-galka xubanaha beesha caalamka iyo inay marqaati ka noqoto heshiis khilafsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Isagoo nasib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda faderaalka ay horseed ka noqdaan heshiis ka hor imaanaya dastuurka iskana horkeena bulshada Soomaaliyed ee ku dhaqan gobollada dhexe.



From the comments