Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan la qaadatay Gudiga Arimaha dibedda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo looga tashanayay qaabka loo badalayo Safiirada soomaaliya u fadhiya wadamada Caalamka.
Wasiirka arimaha dibedda ee Dowladda federaalka soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa warbaahinta u sheegay in wasaaradu ay kulankan kula tashaneyso gudiga arimaha dibeda ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Iyadoo la qorsheynayo dhawaan in la fuliyo qorshaha ay horay u shaacisay wasaaradda ee ahaa in 31-safaaradood lagu soo koobo safaaradaha Dalka uu ku leeyahay wadamada caalamla si loo tayeeyo safaaradahaasi.



From the comments