Maamulka Ahlu sunna Wal jamaaca ee gobollada dhexe ayaa ka soo hor jeestay heshiiskii maamul mideysan loogu sameeynaayey gobollada dhexe soomaaliya ee maalintii arbacada aheyd lagu saxiixay magaalada muqdisho.
Guddoomiyaha guddiga fulinta maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire (Al-Ashcari), ayaa sheegay in maamulkooda uu ka soo horjeedo heshiiska maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Al-Ashacari wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu khuseyn Alhusunnada gobollada dhexe, isla markaana tilmaamay in xubnaha u saxiixay heshiiskaas aysan matalin Ahlu sunna.



From the comments