Ammaanka magaalooyinka maamulka Puntland ayaa aad loo adkeeyey xilli maanta uu u dabaal degayo sanadguuradii 16-aad ee aas-aaskii Puntland oo xuskeeda uu ka dhacaayo magaalada Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), masuuliyiin ka tirsa maamulkiisa, Odayaal, waxgarad iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay munaasabadda.
Madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo jeediyey khudbad ku aadan xuska maalinta Puntland ayaa sheegay in Puntland ay gaartay horumar iyo nabad, isagoo xusay in asaasayaashii Puntland ay dadkooda u horseedeen hormar, reer Puntland-na maanta ay guranayaan natiijadii ka soo baxday dadaalkooda.



From the comments