Wafidiga dhex-dhexaadinta u jooga degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in la soo af jaray colaadii ka taagnayd degmadaasi.
Xildhibaan Nuur Faarax Jaamac oo hor kacaya wafdi ka socda baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ku sugan Caabudwaaq ayaa sheegay in maanta wixii ka billowda la kala qaadayo maleeshiyaadka labada beelood ee magaalada isku hor fadhiya.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in qofkii dambe ee qof dila la soo taagi doono isna tiirka. Maleeshiyaadka ku dagaalamay Caabudwaaq ayaa isku hor fadhiyay qeybo ka tirsan degmada mudoo labo bil ah.



From the comments