
Ergeyga Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay go’aanka uu qaatay maamulka Ximan iyo Xeeb ee uu ku saxiixay dhisidda maamul loo sameeyo Galgaduud iyo Mudug.
Heshiiskan ayaa qeyb ka ah heshiis 30-kii bishii hore ee July ay saxiixeen dhinacyadii ka qeyb galay, kaasoo la iskugu af gartay in la dhiso maamul cusub oo uu yeesho bartamaha Soomaaliya.
“Waxaan soo dhoweynayaa ku soo biiritaanka maamulka Ximan iyo Xeeb eek u aadan saxiixa tallaabada koowaad ee sameynta maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya” ayuu yiri Nicholas Kay.



From the comments