Ciidammada ammaanka ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay xiray nin u dhashay dalka Itoobiya oo xirnaa dharka dumarka, gaar ahaan indha-shareer iyo xijaab, xilli uu kusugnaa suuqa qudaarta ee magaalada.
Taliyaha qeybta booliska ee gobolka Awdal Cabdi Barqad Kheyre ayaa sheegay in qaar ka tirsan dadweynaha ay kusoo wargaliyeen ciidamada, kadib markii ay ka shakiyeen ninka.
Wuxuu tilmaamay inaysan wali ogaan sababta rasmiga ah ee ninkaasi ku kalliftay inuu xirto dharka haweenka, balse ay wadaan baaritaan.



From the comments