Kulan ay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaalida iyo tan Jabuuti Jabuuti ayaa xalay ka dhacay magaalada Minneapolis,halkaasoo ay kula shireen madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.
Shirka uu madaxweynaha Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle la qaatay jaaliyadda Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ee ku nool gobolka Minnesota ayaa ahaa mid is xog wareysi ah,waxaana madaxweynaha uu jaaliyadda ugu warbixiyey xaaladda gobolka gaar ahaana Jabuuti.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga qurba joogta Soomaalida Sadiiq Warfaa ayaa sheegay in jaaliyadda kulanka ay la qaadatay madaxweynaha Jabuuti uu la xiriiray sidii ay waxbadan ugu ogaan lahaayeen xaaladda ka jira dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya, iyo iney Madaxweyne Geelle ay uga mahadceliyaan dadaalka uu ugu jiro sidii Soomaaliya ay u gaari laheyd nabad iyo horumar.



From the comments