Khuburro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digay musiibo bini’aadannimo oo ka dhalata abaaro ka dhaca Soomaaliya hadii beesha caalamku aysan si degdeg ah looga hortagin.
Bahame Tom, oo ah khabiir madax-bannaan oo la shaqeeya Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray kaga digay in xaaladda cunno-yari ee Soomaaliya ka jirta ay aad u sii xumaaneyso, wuxuuna sheegay sicir barar uu kajiro qeybo badan oo dalka ah.
Warbixintan ay khubaradu u gudbiyeen Qaramada Midoobay ayay ku sheegeen in carruur ay tiradooda gaareyso labo boqol oo kun oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano ay haatan ku sugan yihiin xaalad nafaqo-darro oo adag, iyadoo 2.9 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.



From the comments