Madaxweynaha maamulka Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta waxaa uu booqasho gaaban ku tagay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Gaas ayaa magaalada boosaso u tegey inuu la kulmo wafdi uu hogaaminaayey safiirka dowladda Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan madaxda qaar ka mid ah shirkadaha waa weyn ee Imaaraadka.
Heshiisyo ku qotama maal-gashi ayay madaxda shirkaddaha iyo dowladda Imaaraadka Carabta lasaxiixdeen Puntland si ay malgashi ugu sameystaan deegaanda Puntland.



From the comments