Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee xukuumadda federaalka, kaasoo looga hadlayey kaalinta haweenka ee nabadda iyo horumarka dalka oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo ururrada haweenka.
Wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo kulanka ka hadashay ayaa ka faalootay muhiimadda haweenka soomaaliyeed iyo kaalinta ay ku leeyihiin horimarka dalka, iyadoo aad u amaantay haweenka soomaaliyeed eek u howlan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.



From the comments