
Xarunta Somali Act ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegtay in doorashada Madaxtimada Dalka Turkiga ee loo doortay Recep Tayib Erdogan faa’ido ay u tahay Dalalka Islaamka oo ay Soomaliya ugu horayso.
Agaasimaha Xaruntaasi Maxamed Axmed Cantuubo ayaa sheegay in Dowladda Turkiga kaalin ay ka cayaartay samata bixinta Qoysaskii ugu badnaa ee ay soo sal kicisay abaarihii ku dhuftay dalka 2011-ka ee soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Waxa uu sheegay Agaasimaha Xaruntaasi in doorashada Madaxtimada Erdogan dhabbaha ay u xaari doonto saaxiibtimo sal adag oo dhax mara labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga.



From the comments