Madaxda Qaranka oo maanta ku qaabilay Muqdisho wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Denmark
Mogadishu, August 12, 2014- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamuud iyo ra’iisal wasaaraha mudane Cabdiweli Sheikh Axmed ayaa maanta si gaar gaar ah Muqdisho ugu qaabilay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Denmark Mogens Jensen oo booqasho ku yimid dalka.
Kulamadan oo ay ka qayb galeen wasiirada arrimaha Dibadda,Amniga Qaranka, Arrimaha Gudaha,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga, Wasiiru dowlaha Maaliyadda iyo Xubno kale ayaa looga wada hadlay horumarinta ,xoojinta xiriirka labada dal , arrimaha ammaanka , danaha wadaagga ah iyo taageeridda hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulamadan markii ay soo idlaadeen ayaa waxaa shir jaraa’id si wadajir ah u qabtay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Cabdirahman Ducaale Bayle iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Horumarinta Mogens Jensen.
Wasiir Cabdirahman D. Bayle ayaa sheegay in wafdiga dowladda Denmark ka socda ay ka wada hadleen horumarinta , dib u dhiska dalka , taageeridda hay’adaha dowladda iyo u gogol xaaridda shir lagu qaban doono bisha November magaalada Copenhagen.
Wasiirku waxa uu sheegay in kulanka uu ku dhamaaday natiijo wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed , isagoo bogaadiyay xiriirka u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Denmark.
Dhankiisa, Wasiir Mogens Jensen ayaa sheegay in imaanshihiisa Muqdisho uu tusaale cad u yahay taageerada siyaasadeed ee dowladiisu u hayso dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu la dhacsan yahay is-bedalada iyo horumarka dowladda Soomaaliyeed ku talaabsanayso.
Morgens , waxa uu xusay in mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya uu kala arinsaday dib u dhiska iyo horumarinta fursado shaqo oo la abuuro, kaalmada bani’aadanimo iyo qodobo kale , isagoo ku sheegay in kulamada uu la yeeshay madaxda dowladda ay yihiin kuwo miro-dhal ah.
Wafdigan oo ka kooban 8 xubnood ayaa waxaa gelinkii hore ee maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mahad Mohamed Salat iyo agaasinka habmaamuuska Qaranka .