
Madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa isla Muqdisho kula kulmay wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta dowladda Denmark Mogens Jensen.
Kulankan ayaa ka dhacay gudaha xerada ciidamada Xalane oo daris la ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde. Wadooyinka gala xerada Xalane iyo garoonka diyaaradaha ayaa la xiray iyadoo lagu arkayay ciidamo badan oo xaqiijinaya ammaanka goobta uu kulanku ka dhacay.
Ma jiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan waxa ay ka wada hadlayaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark. Waa booqashadii ugu horeysay ee uu wasiirka Ganacsiga iyo horumarinta Denmark ku yimaado Soomaaliya kadib burburkii dowladdii dhexe e dalka 25 sano ka hor.



From the comments