War-saxaafadeed: Xildhibaannada dhediga ah ee ku jira barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayuu maanta siminaar lagu kobcinayo aqoontooda uga furmay magaalada Kampala ee caasimadda Yugandha.
Munaasabadda siminaarkan aqoon kororsiga ah oo ay si wadajir ah u wadaagi doonaan xildhibaanada dhediga ah ee ku jira Barlamaanada Soomaaliya iyo Yugandha ayaa lagu qabtay hoteelka Africano, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay barlamaanka Yuganda, wasiir ku xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda AWEPA oo soo abaabushay siminaarkaasi.
Xildhibaanad Maryan Maxamed Isxaaq oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha xilldhibaanada dhediga ah ee ku jira barlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeedisay furitaanka siminaarkan ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin ka qayb galka siminaarka caynkan ee la xiriira doorka haweenka iyo siyaasadda iyo sare u qaadooda,waxayna u mahad celisay hay’adda AWEPA iyo barlamaanka Yugandha.



From the comments