Aqoonyahah ku xeel dheer Dhaqaalaha ayaa sheegay in Dowladda federaalka Soomaaliya looga fadhiyo in Jawaab ay ka bixiso warka ka soo baxay Shirkad fadhigeedu yahay Maraykanka oo sheegtay in 33 Milyan oo Doollar ay ku sintay gacanta Dowladda Federaalka.
Prof. Maxamed Xasan Barre oo Dhaqaalaha ka dhiga mid ka mid ah Jaamacadaha Magaaladan ayaa sheegay in hadii Dowladda wax jawaab ah ka bixin hadalka shirkada ay ka dhigan tahay in ay jiraan tuhunnada loo jeedinayo.
Aqoonyahankan waxa uu intaa warkiisa ku daray in saamayn arrintan ay ku yeelan doonto howlaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.



From the comments