Cali Khaliif Galayr oo loo doortay madaxweynaha KHaatumo
Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, kana tirsanaa barlamaanka Federaalka, Cali Khaliif Galayr ayaa maanta oo KHamiis ah ku guulaystay doorasho madaxtinimo oo ka dhacday deegaanka Saax-DHeer ee gobolka Sool.
Xubno metelayay maamul goboleedka KHaatumo ayaa u doortay Galayr inuu noqdo madaxweynaha maamulkaasi. Doorashadaasi ayay ku tartamayeen laba murashax oo keliya, kuwaas oo kala ahaa Cali Khaliif Galayr iyo madaxweynihii hore ee KHaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-Sheel.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay natiijada cod bixinta, iyagoo sheegay in Prof. Khaliif uu helay 21 cod, halka madaxweynihii hore uu helay 9 cod oo keliya.
Maxamed Yuusuf Jaamac Indho-Sheel oo ah murashaxa laga guulaystey ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee KHaatumo, isagoo balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqayn doono, isla markaana uu Eebe uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee uu dusha u ritay.
Cali Khaliif ayaa muddooyinkii dambe ku howlanaa in uu noqdo madaxweynaha Maamulka KHaatumo, iyadoo uu maamulkaasi culaysyo siyaasadeed kala kulmayo mamaulada la deriska ah ee Somaliland & Puntlan, kuwaa oo mid waliba uu ku andacoodo in ay ka arimiyaan dhulka laga unkay KHaatumo.