Dooni Qaad u siday Kismaayo oo ku degtay Jasiirada Madhawaa
Hal qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dooni qaad (Jaad) siday ay kula quustay Jaziirada Madhawa ee gobolka Jubada Hoose. Doonidan oo siday qaad aad u fara badan ayaa ku…
Published August 16, 2014
Akhris 1 daqiiqo ah
Hal qof ayaa ku geeriyootay kadib markii dooni qaad (Jaad) siday ay kula quustay Jaziirada Madhawa ee gobolka Jubada Hoose.
Doonidan oo siday qaad aad u fara badan ayaa ku sii jeeday magaalada Kismaayo , iyadoo uu ka badbaaday shilkaasi naakhuudihii doonida.
Shilkan ayaa yimid markii dabaylo xooggan ku dhufteen Jaziiradaha ku yaala Jubada Hoose.
Wariyaha Goobjoog FM ee Gobolada Jubooyinka Muscuud Cabdulaahi Aadan ayaa sheegay in goobjoogayaal ka ag dhow goobta ay sheegeen in doonida ay gebi ahaan ku quustay badda.
From the comments