
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, isagoo halkaasi wada hadalo kula yeelanaya maamulkaasi.
Kay ayaa la sheegay in uu Garowe u tegay si uu uga shaqeeyo isu soo dhowaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland oo xiriirkoodu aanu fiicnayn toddobaadyadii la soo dhaafay.
DHanka kale, Kay ayaa kala hadli doona madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas arimo khuseeya maamul u samaynta gobolada DHexe ee dalka, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in howshaasi ay haatan socoto.



From the comments