Taliska ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa sheegay in goor dhow uu bilaabanayo wajigii labaad ee dagaalka ay kula jiraan xarakada Al-Shabaab.
Kornayl Cismaan Nuux Xaaji oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milateriga dowladda ee gobolkaasi oo la hadlay Goobjoog FM ayaa sheegay in ciidamada ay hada diyaar garow ku jiraan.
Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ciidamada ka socda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM ay diyaar u yihiin dagaalkan oo uu saheegay in uu ku wajahan yahay degmada Baar-dheere iyo deegaano kale oo ku dhow degmadaasi.



From the comments