Maamulka deegaanka Leego ee gobolka SHabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay masiibo bani’aadanimo dhici doonto hadii aan si dhaqse ah gurmad loogu fidin dadka ku haraadsan halkaasi.
Guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay in ay jiraan qoysas aad u badan oo xaalad adag oo xaga biyaha ay ku haysato deegaankaasi.
Warihii oo guray iyo roobabkii oo aan ka di’in deegaanka ayuu sheegay guddoomiyaha Leego in ay keentay biyo la’aanta haatan ka jirta deegaanka.



From the comments