
Ergayga QM u qaabilsan Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa ka hadlay booqashada uu ku joogo Somaliland.
Kay oo xalay ku hoyday magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan-yahay imatinkiisa Soomaaliland,waxuuna tilmaamay inay muuqaneyso horumarka ay Soomaaliland ku tallaabsatay.
“Waxaan ka mahad celinayaa fursaddan la ii siiyay in aan booqdo Somaliland si aan u daraaseeyo qaabka aan usii kordhin karno una xoojin karno wada-shaqaynta ka dhexeyso UNSOM iyo maamulka Somaliland.”



From the comments