
Wasaarada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay daba gal adag ku sameyn doonaan ardayda deeqaha waxbarasho dowladdu ay ugu dirto dowladaha saaxiibka la ah ee minxooyinka waxbarasho siiya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya Ismaaciil Yuusuf Cismaan ayaa Goobjoog FM u sheegay in fursadaha waxbarasho ee la helo ay ardayda Soomaaliyeed ku hubin doonaan sida ay uga faa’iideysanayaan deeqahaas waxbarasho oo ay heleen ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, agaasimuhu waxa uu sheegay in ay sii kordhayaan sanadba sanadka Ka dambeeya deeqaha waxbarasho oo ay Soomaaliya ka hesho dowladaha daneeya sare u qaadista tacliinta ardayda Soomaaliyeed sida wadamada Suudaan, Yaman, Turkiga iyo kuwo kale. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhowaan deeqo waxbarasho ka heshay dalalka Suudaan iyo Yaman.



From the comments