Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunno dil iyo xabsi ku riday eedeysanayaal
Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday dad loo haystay dambiyo kala gedisan.
Dadkan ayaa maxkamadayntooda maalmahan waxa ay ka socotay xaruta maxkmadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida.
Qaar ka mid ah eedaysanayaasha ayaa lagu riday xukunno isugu jira xabsi, ganaax iyo dil toogasho.
Maxkamadda darajada koowaad ciidamada qalabka sida oo maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay eedeysanayaal ka tirsan dad ka tirsan Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar ayaa loo hasytay dil ay u geysteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda FS oo maxbuus ahaan ugu jiray xabsiga dhexe.
13 eedeysane oo Maxkamadda la hor keenay ayaa 7 ka mid ah waxaa lagu helay dambiga ah inay dileen Marxuum la oran jiray C/casiis Muxudiin Hiraabe oo ka tirsanaa ciidanka dowladda FS, kaasi oo ka mid ahaa maxaabiista, islamarkaana u adeegayay maxaabiista dishay, ayaa lagu xakumay dil toogasho ah sida uu ku dhawaqay Afhayeenka Maxkamadda ciidamada qalabka sida Kornayl Cabdullaahi Maxamed Muuse Keyse.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa waxa ay lixda kale ee 13 ka ka midka ahaa ku xakuntay xabsi daa’in, kaddib markii ay lagu helay dambiga ah inay gacan ku siiyeen dilka askariga.
13 ka eedeysane ayaa horey maxkamaddu waxa ay ku riday xukuno kala duwan kaddib markii lagu helay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.